Waxaa Caawa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya G/sare Muuse Cabdulqaadir.
Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska dowladda ayaa waxaa lagu sheegay inuu geeriyooday Taliyihii qeybta Booliska Shabeellaha Hoose, uuna u dhintay xanuun haayay.
Taliska Booliska dowladda ayaa Marxuum Muuse Cabdulqaadir ku tilmaamay inuu ahaa Sarkaal firfircoon, isla markaana, afgaaban kana soo shaqeeyay hoggaamada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
“Marxuum Col, Muse, ayaa ahaa Sarkaal firfircoon Islamarkaana, afgaaban kana soo shaqeeyay hoggaamada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Samir iyo iiman alaha ka siiyo qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo Ciidankii uu ka baxay, isna naxariiatii jano alaha siiyo” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Booliska.