Wararka Radio Dalsan uu Maanta ka helayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya uu booqanayo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku jira Xero ku taalla Duleedka Garoowe kuwaas oo ah kuwii dhawaan Puntland dowladda ku soo wareejisay.
Kormeerkaan ayaa taliye Gorod waxaa ku wehlin doona taliyaha Ciidanka Puntland Siciid dheere iyo Saraakil kale waxa ayna u kuurgeli doonaan xaalada ciidamada ku jira Xerada 54,aad oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ee dhawaan Puntland ay ku soo wareejisay.
Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana la filayaa in taliyaha iyo Saraakiisha la socota ay khudbad u jeediyaan ciidamadaas.
Dhawaan ayaa Puntland waxa ay ciidamadaan oo gaaraya  2000 oo Askari waxa ay ku soo wareejisay dowladda Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah isku-dhafka Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.