Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Manata waxaa booqasho rasmi ah ku yimid Taliyaha Ciidanka Sirdoonka dowladda Talyaaniga Gen. Giovanni Caravelli, iyadoona soo dhaweyn loo sameeyay.
Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daajir ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka dowladda Talyaaniga iyo xubo saraakiil ah oo la socday
Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta rasmi ah Twitter-ka NISA ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka dhexmaray Taliye Fahad Yaasiin iyo Gen. Giovanni Caravelli looga hadlay sare u qaadida iyo xoojinta xiriirka iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
“Taliyaha Siradoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho ayaa la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxayna ka wadahadleen sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac†ayuu yiri Qoraalka Hay’adda NISA.
https://twitter.com/HSNQ_NISA/status/1328675442891644928