Taliyaha Hawlgalka Atalanta Operation ee ay Ciiddanka Badda ee dalalka Midowga Europe kula dagaalamayaan Burcad-baddeeda Soomaalida, Admiral Jonas Hagren ayaa sheegay inaysan weli idlaanin khatarta ay Burcad-baddeeda ku hayaan Maraakiibta isticmaala Badda Somalia.
Isagoo Weriyayaal kula hadlay Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Badda ee dalka Holland, ayaa waxa uu tilmaamay inay Burcad-baddeeda weli khatar yihiin, inkastoo ay hakiyeen hawlgalladii ay Maraakiibta kaga afduuban jireen Badda Somalia.
“Ma dhihi karno, Burcad-baddeeda waa la waayey, laakiin, Shabakadihii Burcaddaasi weli waa mideysan yihiin†ayuu yiri Taliyahaasi oo u dhashay dalka Sweden.
Taliyaha Hawlgalka Atalanta Operation, Admiral Jonas Hagren waxa uu tilmaamay inay dhul ballaaran oo ku teedsan Xeebta Somalia yihiin deegaanno aysan ka jirin wax Dowlad ah  iyo wax kala-dambayn ah.
Dhinaca kale, Saraakiisha Hawlgalka Atalanta, ayaa ka digay inay Qaxootiga doonyaha ku safra ay khatar kala kulmi karaan haddii ay Burcad-baddeeda iyo Ciiddanka Hawlgalka ATALANTA isku dhacaan.
Kumanaan Qaxooti isugu jirta Somali iyo Yemen ka soo cararay dagaalladda Yeman ayaa waxay ku soo baxsadeen doonyo soo gaaray  Xeebaha Waqooyi ee Somalia, gaar ahaan Dekeddaha Berbera iyo Bosaaso.
Â