Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Tigabu Yilma iyo wafdi saraakiil ah uu hogaaminayo ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, iyado halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Taliyaha ayaa booqday Saldhigyada Ciidanka Kenya ee qeybta ka howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Dhoobley, isagoona halkaas kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidamada, wuxuuna kala hadlay arrimo kaka duwan.
Taliye Tigabu Yilma ayaa waxaa uu Saraakiisha Ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Dhoobley kala hadlay xaaladda guud ee Gobolka gaar ahaan tan degmada iyo mida nololeed ee Ciidamada ku sugan yihiin.
Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saraakiisha waxaa uu ka xog-wareystay qorshada dagaalka ka dhan ah Al-shabaab, isagoona bogaadiyay howlgalada halkaas ay ka wadaan.
Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya ayaa ku sugan degaano ka tirsan maamulka Jubbaland, kuwaasi oo inta badan dhibaatooyin kala duwan u geysta shacabka ku dhaqan halkaas.