Jeneral Stephen Townseed waxa u ushalay booqashadii ugu horreysay ku yimid magaalladda Muqdisho, isagoo kula la qaatay RW Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sheegay inay sii kordhin doonaan La-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha Cuusb ee Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM oo bishii hore ee July 26-dii la wareegay Xilkaasi waxa kale oo uu la kulmay Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Donald Yamamoto iyo Saraakiisha sarsare ee Taliska Milliteriga Somalia.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu qeexay in Socdaalka uu Jeneral Stephen Townseed ku yimid Somalia ay fursad u siisay inuu xog ka helo Xaalladda Somalia, wuxuuna ballan qadaay in la xoojinayo Hawlgalka AFRICOM ee Ammaanka Gobalka Geeska Africa.
“Waxaa iga go’an wada-shaqeyn wadajira iyo inaan horey ula socono Saaxiibadeenna ku sugan Somalia†ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka Jeneral Stephen Townseed.
Waxa uu intaasi ku daray in wada-shaqeynta Somalia iyo saaxiibadda kale ee Caalamka inay sii wadi doonaan cadaadiska ay ku hayaan Alshabaab iyo Daacish-ta Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.
Taliyaha Cuusb ee AFRICOM waxa uu xusay in cadaadiskaasi abuuri doono xaallado iyo fursadaha Horumarka Siyaasad dheeri ah iyo Dhaqaalaha.
Waxa uu ugu baaqay Ciiddanka DFS inay sii wadaan Hawlgalladda ay Alshabaab kala wareegayaan Deegaanadda ay ku xooggan yihiin, si loo dhimo Awoodda Alshabaab ee cabsi-gelinta Danaha Somalia iyo Maraykanka, waa sida uu hadalka u yiri.
Wuxuuna intaasi ku daray inay taasi tahay shaqo muhiim u ah Maraykanka, Soomaalida iyo Isbahaysigooda.
Dhinaca kale, Taliyaha Cuusb ee Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Stephen Townseedwaxa uu muddadii uu joogay maagaalladda Muqdisho la kulmay Khubarada Milliteriga Maraykanka ee tababarka siiya Ciiddanka Komaandooska ee Danab, wuxuuna ku bogaadiyey hawsha ay ku guda-jiraan.
Waxa kale oo uu sheegay inay Maraykanka siiyaan Saxaiibadooda Tababarka dhanka Amniga ee ugu wanaagsan Caalamka, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay maalgelinayaan Saaxiibadooda, siinayaan ballanqaad Waqti, Tamar, kana go’an tahay sidii ay diyaar ugu noqon lahaayeen caqabad kasta oo ka hor timaada.
Booqashadda uu Jeneral Stephen Townseed ku yimid Somalia ayaa la sheegay inay calaamad y tahay inay Maraykanka kordhinayaan doorka ay ku leeyihiin Somalia, waxayna AFRICOM sheegtay inay duqeymo badan oo Diyaaradeed ka geysteen gudaha Somalia 7-dii bilood ee ugu horreysay sannadkan ee 2019-ka.
Sida laga soo xigtay Tiro-koobka Hawlgalka AFRICOM waxay duqeyntoodii 47-aad qaadeen bishiJuly 27-dii, kuna begsadeen Maleeshiyadda Kooxda Daacish-ta Somalia ee ku sugan Buuraha Golis ee Maamulka Puntland ee Bariga Somalia.