Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Duhurnimadii Maanta oo Isniin ah gaaray Wafdi uu hogaaminayay taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Maxamed Axmed jimcaale Cirfiid.
Markii ay halkaasi tageen waxa ay warbixono ku aadan xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada waxa ay ka dhagesteen Saraakiisha Ciidamada ku sugan deegaanka Bariire.
Deegaanka Bariire ayaa waxaa dhawaqa ka dhacay weerar qorsheysan oo ay geesteen Al-Shabaab kaas oo lagu laayay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya.
Taliye Cirfiid ayaa kulan la qaaday Saraakiisha Ciidamada usage oo igu baaqay in ay dardar geliyaan howsha ay Qaran u hayaan isla markaana Shacabka ay badbaadiyaan.
Sidoo kale waxa uu Saraakiisha ku wargeliyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo ka bilaabanaya Gobolka Shabeellaha Hoose