Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo kujira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Deegaanada Galmudug ayaa maanta gaaray Xarunta Taliska Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhuusamareeb, isagoo kormeer ugu tagey Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay xeradaan kuwaas oo kujira Diyaar garow sare.
Taliyaha ayaa kormeeray Xafiisyada Taliska iyo rugaha ciidamada Xoogga ee Magaalada Dhuusamareeb oo haatan ah Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug.
Kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga , saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Taliyaha Qaybta 21-aad General: C/casiis C/laahi Cabdi “Qooje” iyo saraakiil kale.