Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi la socday oo saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta gaaray Magaalada Caabudwaaq.
Taliye Xijaar oo safar dhulka ku tegay Caabudwaaq ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Galmudug, Xildhibaano ka tirsan maamulkaas iyo Mas’uuliyiinta degmada.
Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud u tegay sidii uu kormeer ugu tegi lahaa Xaruumaha Ciidanka Booliska ee halkaas ku yaalla, sidoo kale waxaa uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidanka.
Sidoo kale Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa uu socdaalo ku tegi doonaan deegaano kale oo ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug, si uu ugu kuur galo Arrimaha amniga.
Taliye Xijaar ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, iyagoona ka wada hadlay amniga Doorashada Soomaaliya gaar ahaan tan ka dhaceysa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.