Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa Maanta waxa uu booqday Xarunta Agoonta ee dagmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha ayaa mid mid ula shekeystay Caruurta Agoonta ah ee Xeradaasi ku sugan,asigoo u muujinayay in uu marwalba uu ka war hayo.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taliyaha Ciidanka asluubta Soomaaliyeed sareEye gaas xuseen Xasan Cismaan ayaa horay u balan qaaday in Caruurtaasi ay heli doonaan wax walbo oo ay u baahan yihiin.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Booqashada Taliyaha.