Taliska Xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaal Saacadihii la soo dhaafay qeybo k mid ah gobolka Gedo ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Al-Shabaab lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab
C/raxmaan Ibraahim Maxamad Taliyaha Ururka 48-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta Gobolka Gedo ayaa sheegay in intii dagaalkaas socday ay ciidamadu ku guuleesteen in ay dilan Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu tilmaamay in dagalkaas ay sidoo kale kula wareegeen deegaano ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab kuwas oo ku yaalla duleedka degmada haatana ay ku sugan yihiin Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Ciidamada Kenya ayaa maalmihii u dambeeyay wxa ay wadeen dhaqdhaqaaqyo ay uga baxayeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo.