Al-shabaab ayaa waaberigii hore saakay waxaa ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaanka Qalimoow ee duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarka kadib ayaa waxaa gudaha Saldhiga ka dhex bilowday dagaal toos ah oo u dhexeeyay Ciidankii dowladda ee halkaas ku sugan iyo Al-shabaab, waxaana dagaalka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii kaga yimid dhanka Al-shabaab ee kusoo qaadeen Saldhiga Ciidanka ee deegaanka Qalimoow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
War kasoo baxay Taliska Ciidanka ayaa waxaa ku sheegeen inay ka horteegeen weerar Al-shabaab ay abaare 05:00 habeenimo ay kusoo qadeen Qalimoow iyo Ceelka Geeloow, isla markaana ay Khasaaro badan gaarsiiyeen.
“Ciidanka Xoogga Dalka oo ka warqabay weerarkii Shabaab, waana laga hortegay, waxaana halkaas lagu gaarsiiyay Khasaaro, Ciidanka ayaas siibacsaday Al-shabaab weerarka soo qaaday, waxaana looga daba tegay degaanka Xawaadleey†ayaa lagu yiri War qoraal oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka.
Dhinaca kale War qoraal ah oo lagu faahfiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegeen in weerar ay ku qaadeen Saldhiga Qalimoow, iyagoona tilmaamay in muddo kooban ay la wareegeen gacanta ku heynta Saldhiga.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa intaas kusii daray in weerarka ay ku dileen 13 Askari oo ka tirsan dowladda ayna kamid ahaayeen Saraakiil, isla markaana ay gacanta ku dhigeen saanado hub ah oo halkaas yaallay.