Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa uu ka dhacay deegaan hoostega degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalkaas ayaa bilowday, kadib markii Al-shabaab ay weerar xoogan kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka qeybta 27-aad ay ku leeyihiin deegaanka lagu magacaabo geel-gub oo hoostega Cadale, waxaana halkaas ka dhacay dagaal saacado socday.
Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo dhinacyada isdhaafsanayeen, isla markaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab, ayna gaarsiiyeen khasaaro kala duwan, waa sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay Taliyaha in dagaalka lagu dilay 8 dagaalame oo ka tirsanaa Shabaab, halka kuwo kalena la qabtay, wuxuuna intaas ku daray hadalkiisa inay ka war heleen weerarkaas lagu soo qaaday.
Sidoo kale dagaalka ayaa la sheegay in Ciidanka dowladda looga dilay Askar, isla markaana uu ku jiray Taliye lagu magacaabi jiray Salaad Cali Dabley oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka qeybta 27-aad.
Ciidanka dowladda Federaalka ayaa horey howlgalo ka dhan ah Al-shabaab uga fuliyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood saraakiisha dowladda ay sheegeen inay lagu dilay Saraakiil iyo xubno Al-shabaab ahaa.