Kulan looga hadlaayay ammaanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa ka qabsoomay Magaaladaas, waxaana kulanka ka qeyb galay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Maamulka Puntland iyo xubno kale oo mas’uuliyiin ah.
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta ammaanka Caasimadda Puntland iyo ka hortega falalka amni darro ee xiliyada qaarkood ka dhaca Magaalada oo ay geystaan kooxo hubeysan iyo rag ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.
Taliyaha qaybta Booliska Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud oo kulanka ka hadlaayay ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidamada Booliska ay heegan buuxa ugu jiraan sidii loga hortagi lahaa falalka amni darro ee ka dhaca Magaalada Garoowe.
Taliyaha Booliska Gobolka Nugaal ayaa waxaa uu bulshada kunool Garoowe ugu baaqay in Ciidamada xogta la wadaagan kooxaha hubeysan ee falalka geysta, isla markaana loo baahan yahay inay shaqeyn la yeeshaan Ciidamada qeybahooda kala duwan.
Magaalada Garoowe ayaa waxaa xiliyada qaarkood uu iska horimaad ku dhexmaraa Ciidamada Booliska iyo rag hubeysan oo ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena ay dhacaan falal kale oo amni darro ah.