Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa War kasoo saaray weerarka Caawa ka socda Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo hotelka ay ku qaadeen dagaalyahano hubeysan oo ka tarsan Al-shabaab.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Zakiya Xuseen Axmed oo War qoraal ah barteeda Facebook ay kusoo qortay ayaa waxaa ay ku sheegtay in Ciidanka amniga ay toogteen laba kamid ah ragii weerarka kusoo qaaday hotel SYL, isla markaana Ciidanka amniga ay la dagaalamayan laba ruux kale oo ku jira gudaha.
Sidoo kale Zakiya ayaa sheegtay in Ciidanka amniga ay soo badbaadiyeen 82 qof ay isku jira shacab iyo masuuliyiin, kuwaasi oo ku sugnaa hotelka.
Taliye Zakiya ayaa dadka shacabka ugu baaqday in aysan xiriir lala sameyn dadka shacabka ah ee loo maleynayo in ay gudaha hotelka ku jiraan, Â inta hawl galka laga soo afjarayo.
“Abbaaro 7dii habeenimo (7pm) Al-shabaab weerar ku soo qaaday hotel SYL iyadoo 2 ka mid ah lagu dilay hotelka banaankiisa sidoo kalena labo kale haatan ay ciidamada amaanka kula dagaallamayaan gudaha Hotelka†ayay tiri Zakiya Xuseen Axmed.
“Ilaa iyo hadda waxay Ciidamada Ammaanka soo badbaadiyeen 82 qof ay isku jira shacab iyo masuuliyiin. Waxaan ka digeynaa in xiriir telefoon lala sameeyo dadka shacabka ah ee lagu tuhunsanyahay in ay gudaha ku jiraan inta hawl galka laga soo afjarayo†ayay sii raacisay hadalkeeda.
Sidoo kale waxaa ay intaasi ku dartay “Warbahinta iyo muwadininta sharafta leh waxaa fareynaa inay ka fogaadaan goobta arrimo amni awgeedâ€