Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay xaafadda Macalin Nuur ee degmada Dharkeenley una dhow Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Muqdisho.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxaas uu fuliyay qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa, uuna isku qaraxiyay goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku taalla Ex-koontarool.
Waxaa uu sheegay Afhayeen Sadiiq in qaraxaas uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah, waxaana uu xaqiijiyay inay goobta ku geeriyootay Haweeney iyo qofkii is qarxiyey, sidoo kalena ay dhaawacmeen 23 qof oo dhammaantood ahaa shacab ah.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Caasimadda, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo, waxaana xusid mudan in dadka waxyeelada soo gaartay qaarkood ay saarnaayeen gaari BL ah.
Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa ka hadlay gabadhii maalmo kahor meydkeeda laga dhex helay Digsi nooca raashinka lagu kariyo, kadib markii inta la dilay lagu dhex qariyey Digsiga, taas oo qoyskeeda ay maalmo baadi goobayeen.
Waxaa uu intaas uu kusii daray Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe in kiiskaas ay u xiran yihiin dad loo maleynayo inay ka dambeeyeen falkaas lagu dilay gabadha oo lagu magacaabi jiray Nafisa Cumar Geelle oo meydkeeda laga dhex helay Digsi lagu riday, ayna weli socdaan baaritaano.
Ugu dameyn Booliska dowladda ayaa sheegay inay baaritaano kala duwan ku wadaan falkii habeen horey Nin uu ku dilay xaakiiska, falkaas oo ka dhacay degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, isagoona xusay in Ninkii ka dambeeyay dilka xaaskiisa uu baxsaday, ayna ku raad-joogaan laamaha amniga.