Taliska qaybta Booliska Gobalka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo Ciidanka amniga maalmihii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen gudaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas.
Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Puntland howlgalkii ay sameeyeen lagu soo qabtay dad farabadan, kuwaasi geystay falal amni darro, lana haayay xogtooda.
Waxaa uu sheegay Taliye Maxamed Aadan in howlgalka lagu qabtay in ka badan 200 qof, kuwaasi oo uu sheegay in intooda badan ay Garoowe shacabka ugu geysteen dhibaatooyin kala duwan.
Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha Booliska Nugaal ayuu tilmaamay in dadka la qabtay ay isugu jiraan kuwo dadka ku dhici jiray tooreeyo xiliyada habeenkii ah, halka qaar kalena ay dadka shacabka ka dafi jireen taleefoonada gacanta, isla markaana raggaas lagu qabay dhibaato.
Taliye Maxamed Aadan ayaa Digniin adeg u diray Ciidanka amniga Puntland, waxaana uu carabka ku dhuftay in aan la ogolaan doonin in rasaas lagu ku dhex rido gudaha Garoowe, isagoona xusay in rasaasta ay waxyeelo kasoo gaari karto shacabka, wuxuuna dadka ku dhaqan halkaas ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidanka.
Si kastaba Magaalada Garoowe ayaa waxaa maalmihii lasoo dhasafay ka dhacayay falal amni darro baahsan, iyadoo dadka shacabka ee halkaas ku dhaqan ay dhibaato ku qabeen rag burcad ah oo dhac u geystan jiray.