Maamulka Magaalada kismaayo ee xarunta ku meel gaarka Jubbaland ayaa sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan koox Bur-cad ah oo habeenkii dhac ka gaysta Magaladaas.
Taliyaha Booliska Saldhigga Degmada Kismaayo Gaashaanle warsame Axmed Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay wax uga qabanayaan burcadda habeenkii dhaca u gaysta dadka shacabka ah, kuwaas oo uu sheegay in ay dadka ka dhacaan Taleefanada gacanta iyo waxyaabaha kale ee fudud.
Waxaa uu sheegay in mararka qaar ay dil ka gaystaan Magaalada, isagoo sheegay in ay dhowr qof oo shacab ah ku duleen xaafadaha Magaalada Kismaayo.
Taliataha ayaa intaas ku daray in ay ku daba joogaan koox horay dil iyo dhac kaga gaystay Magaalada, waxaana uu sheegay in ay soo qaban doonaan dadka caadeystay dhibaataynta bulshada Kismaayo.
Xabsiyada magaalada kismaayo ayuu sheegay in ay ku jiraan dhalinyaro lagu soo qab-qabtay falal dhac ah, waxaana uu sheegay in Maxkamad la horgeyn doono dhammaan tood.
Xaafadaha Magaalada kismaayo ayaa dadka shacabka ah ee ku dhaqan waxaa ay tiro dhowr jeer ah cabasho ay kasoo gudbiyeen kooxaha dhaca ka gaysta gudaha Magaalada, waxaana ay sheegeen in ay jirto habac-sanaan xagga ammaanka ah, waxaan Booliska Magaaalada ay ka codsadeen in ay wax ka qabtaan dadka caadeystay dhibaayanta shacabka Kismaayo.