Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Arjantiin waxaa ay ku dileen Abwaan Soomaaliyeed lagu Magacaabi jiray Baashi Macalin Maxamuud.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Abwaanka la dilay uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isla markaana rag hubeysan ay toogteen.
Taliska Booliska ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhamaan Ciidanka Booliska ee uu ka baxay Abwaan Baashi Macalin Maxamuud, waxaana Alle uga baryeen inuu Janada ka waraabiyo.
“Tacsi waxaa tacsi diraaya dhamaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Dableyda Alifleeyda iyo dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Booliiska soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (xijaar) Allaha unaxariisto Abwaan Baashi oo ahaa nin ee ku weentahay Dowladnimo iyo u adeegida Shacabka waxuuna aha Sargaal ka tirsan Ciidan Booliiska Soomaaliyed waxa uuna ka baxay Dhamaan umadda Soomaliyeed†ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada dilka loo geystay Abwaan Baashi Macalin, waxaaana ay sheegeen in rag hubeysan oo ka tirsan iyaga inay Abwaanka ku dileen Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.