War-saxaafadeed ay AMISOM maanta soo saareen ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Hawlgalka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka dib u qabsadeen, lana wareegeen gacan-ku-haynta Degmadda Aadan Yabaal, kadib, markii ay dagaal culus kaga saareen Alshabaab.
War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay Ciiddanka Isku-dhafka dagaal kula soo galeen Alshabaab deegaannadda Moqo-kori iyo Maxaas ee Gobalka Hiiraan oo ay waqtiyadii ugu dambeeyey ka hawlgeli jireen.
War-saxaafadeedka AMISOM waxaa kaloo lagu sheegay inay  dadkii horey uga barakacay Aadan Yabaal bilaabeen inay si tartiib tartiib ah ugu soo laabtaan guryahooda.
Biyo yari ayaa laga soo sheegay inay weli ka jirto Degmadda Aadan Yabaal, inkastoo Taliska AMISOM sheegeen inay haatan ku guda jiraan sidii loo celin lahaa Adeegii Biyaha iyo Adeegyaddii kale ee Degmaddaas.
Ugu dambeyntii, War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay inay AMISOM bilaabeen inay miinooyinka ka nadiifiyaan gudaha Degmadda Aadan Yabaal iyo Waddooyinka soo gala Degmadaasi.
Xigasho: AMISOM.AU
©Radio Dalsan