khubaro caalami ah ayaa usbuucan kulan sedex maalin socday ku yeeshay magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya. Kulankaas ayaa ku saabsanaa sidii Soomaaliya looga qaban lahaa doorasho hal qof iyo cod ah sanadda 2020 – 2021-ka. Shirku wuxuu isku keenay khubaro ka socota wadamada Falastiin, Ciraaq, Suudaan, Joordan, Yeman, Tuuniisiya, Nayjeeriya iyo Kiiniya iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya.
Intii shirka lagu gudo jiray wufuudu waxay si mug leh u lafa gureen nidaamka diwaan galinta asxaabta iyo sida doorashooyinka loo maamulo taas oo ah halka laga dhaqaaqyo si doorashooyin caam ah looga qabto Soomaaliya. Shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ayaa wuxuu bilaabay maalinkii isniinta ee 10-ka Juulay waxaanu Waxaana lasoo gabogabeeyey galinkii dambe ee arbacada 12 Julay 2017.
Shirka waxa soo qaban qaabiyey Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya iyo Ururka Maamuslista Doorshooyinka Wadamadda Carabta (Arab Electoral Management Bodies) oo kaashanaya Mashruuca Qaramadda Midoobey ee Somaaliya ka taageera doorashooyinka iyo Xafiiska laanta horumarinta ee Qaramadda Midoobay u qaablisan wadamada carabta ee fadhigiisu yahay Joordan (United Nations Development Programme’s Regional Hub for Arab States).
Diiwaan galinta asxaabta ee Somaalia waxa hagaya xeerka asxaabta siyaasadda ee Dawladda Fedaraalka Somaaliya ee baarlamanka Faderaalku ansixeyey bishii Juun, 2016ka. Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa ilaa hada dhisay xafiiska diiwaangalinta asxaabta oo ka kooban 28 hawlwadeen oo uu madax u yahay xoghayaha guud ee guddigu.
Marwo Xaliimo Ismaaciil, Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya, ayaa hoosta ka xariiqdey hormarka ay Gudigoodu ku talaabsadeen si looga qabto Soomaaliya doorasho hal qof iyo cod ah sanadda 2020 – 2021. “Gudi ahaan rajo fiican ayaanu qabnaa waxaananu u tafo xaydannahay sidii wadanka aanu uuga qaban lahayn doorasho hal qof iyo cod ah sanadda 2020 – 2021-ka; waxaanu dajiney qorshe 5 sano ha oo hagi doona shaqada Gudiga ee ka hor doorashada, inta lagu gudo jiro doorashada iyo doorashada kadibba†ayay tidhi Marwo Xaliimo.
Marwo Badriya, Xoghayaha Ururka Maamuslista Doorshooyinka Wadamadda Carabta (Arab Electoral Management Bodies) ayaa tidhi “ doorka asxaabta siyaasadu ay ka ciyaarto kobcinta Dimurraadiyadu waa mid aad u muhiim ah. Waa in aynu diwaangalinta asxaabta ku bineynaa nidaam horseeda taabo galka xuuqda aadamaha, sharciga iyo kala dambaynta , daah furnaan iyo wada jirka bulshadda. Marwo Badriya waxay inaas ku daraty “Asxaabta siyaasaddu waa inay noqdaan qaar bulshadu u simantahay gaar ahaan dumarka iyo dadka laga tirada badan yahayâ€.
Gerald Mitchell, Madaxa mashruuca Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya ka taageera doorashooyinka, ayaa ku tiraabey diiwaangalinta asxaabtu waa talaabada ugu horeysa ee hirgalinta nidaam hufan oo horseeda asxaab badan oo dimuqaaridiyad, tartan iyo isla xisaabtan ku dhisan. “ doorasho dimquraadi ah waxa aasaas u ah in ay jiraan asxaab kala aragti duwan oo bulshadu ay kala dooran karto oo tartan xalaal ahi dhexdooda yaalo, ayuu yidhi Mudane Grerald.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi Mudanuhu“ aad baanu ugu faraxsanahay inaanu gacan ka gaysano shirkan oo halkan lagu lafo guro aragtiyo iyo tusaalayaal kala duwan oo ku saabsan hanaanka diiwaan galinta asxaabta ee wadamo Afrikaan iyo Carab ah oo Soomaaliya chashar ay ka baran kartoâ€.
Shirkan oo manta lagu soo gabo gabeeyey magaalada Nayroobi waxa maal galiyey deeq bixiyeyaasha kala ah: Dawlada ingiriiska, Midawga Yurub, Taliyaaniga, Jarmalka, Noorway iyo Iswiidhan (UK, the EU, Italy, Germany, Norway and Sweden).
Dhamaad