Wasiirka Arrimaha dibedda dalka Taiwan Ali Yang ayaa waxaa shalay oo Khamiis aheyd uu sheegay in qorshayaashii dhaqan gelinta xiriirkii diblumaasi ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan uu soo socon doono, isla markaana uu wanaagsna yahay xiriirka labada dhinac.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in waqtigaan aan dib loo furi doonin duulimaadyada labada dhinac sababo la xiriira faafida Cudurka halista ah ee Coronavirsus, hayeeshee markii uu damaado Cudurka dib loo furayo.
Wasiirka Arrimaha dibedda dalka Taiwan ayaa waxaa uu tilmaamay in Somaliland ay sii doonaan teerada ku aadan arrimaha diblomaasiyada.
Dhawaan ayay aheyd markii Taiwan aqoonsatay Baasaboorka Somaliland, isla markaana ay kala saxiixdeen heshiisyo Cusub, waxaana halkaas tegay Wasiirka Arrinaha dibadda Maamulkaas.