Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray Warbixin looga hadlay xaalladaha ay la kulmaan Qaxootiga ku sugan dalka Libya ee doonaya inay u sii tahriibaan Xeebaha Talyaaniga.
Qaxootigaasi ayaa lagu hayaa shabaqyo ku dhex yaalla Xarun lagu hayn jirey Duur-joogta oo ku taalla dalka Libya.
Maleeshiyo hubeysan ayaana halkaasi ku haya, ka hor intaysan dadkaasi sii raacin doonyaha inta badan ku dega Badda Dhexe (Mediterranean Sea).
Madaxa Xafiiska Hay’adda Caalamiga ee La-dagaalanka Jirdilka (The World Organisation Against Torture (OMCT) ee magaalladda Tripoli, Currun Sigh ayaa u sheegay Wargeyska The Telegraph inay Maleeshiyada Liibiyaanka ay  rag, haween iyo carruur badan ka buuxiyaan Shabaqyadaasi iyo qolalka Iskuul xiran oo ay ka dhigeen Xabsi.
Warbixinta uu Mas’uulkaasi sheegay ayaa ah kuwo laga argagaxo, waxayna Maleeshiyadda kufsadaan haweenka oo badankooda uur qaada intaysan u tahriibin Xeebaha Talyaaniga.
“Goobta Xayawaanaadka lagu xereeyo ee Tripoli Zoo waxaa haysta Maleeshiyo hubeysan, kuwaasi oo u adeegsada sidii hoy ay dadka ka tahriibiyaan†ayuu yiri Currun Sigh oo intaasi ku daray inay xaalladda aad u xun tahay.
Waxa uu sheegay inay Tahriibayaasha xiran helin daryeel caafimaad, waxayna badankooda la il-daran yihiin cuddurka Qaaxadda (TB).
Currun Singh waxa uu tilmaamay inay Xabsiyadda yihiin kuwo aad loo buux dhaafiyey, iyadoo ay weliba cimilladda Libya tahay mid aad u  kulul.
Mas’uulkaasi, Currun Sigh oo muddo labo sanno xarun u ahayd magaalladda Tripoli ayaa waxa uu ku hawlanaa sidii uu Ururka Midowga Europe (EU) ugu diyaarin lahaa Warbixin la xiriirta Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha ee ka dhaca dalkaasi.
Warbixintiisan ayaa timid dhowr toddobaad kadib, markii ay in ka badan 800 oo Tahriibayaal u badan Somali ay ku hafteen Badda Dhexe (Mediterranean Sea), kadib, markii ay la degtay doonidii ay ka soo raaceen Xeebaha Libya.
Dhinac kale, Hay’adda Caalamiga ee La-dagaalanka Jirdilka (The World Organisation Against Torture (OMCT) waxay kaloo diiwaan-gelisay dilal ka dhacay 17 Xarumo Shisheeyaha lagu hayo iyo in ka badan 20 Xabsiyo macmal ah oo ay Maleeshiyadda ku xiraan dadka Tahriib-doonka ah.
Hay’adda waxay la hadashay qaar ka mid ah La-haystayaasha oo sheegay in si xun loo ciqaabo, oo Koronto lagu qabto ama haashka sigaarka lagu damiyo.
Hay’adda waxay kaloo sheegtay in dhamaan xarumaha dadka lagu hayo yihiin kuwo hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Libya, balse ay maamulaan Maleeshiyooyin Hubeysan oo badankooda xiriir la leh Kooxaha ka ganacsada Tahriibka (Smugglers).
Ka daallaco Links-kan http://www.telegraph.co.uk/news/worldnews/africaandindianocean/libya/11578241/Migrants-being-held-in-cages-at-Tripoli-zoo-by-Libyan-armed-groups.html
Xigasho: The Telegraph
Waxaa soo koobay Ustaad Nuradin Abokor Ahmed,
Dalsan Radio, Mogadisho, Somalia.