Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay inay soo badbaadiyeen in ka badan 300 Muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaasi oo la socday dooni aad loo buux-dhaafshay oo ka soo shiracaatay Xeebaha Masar.
Muhaajiriintaasi oo boqolaal kun oo KM ku soo socdaalay Badda ayaa waxaa loo gudbiyey Gacan-biyoodka Jesiiradda Sishilis (The Strait of Sicily) ee Koonfurta Talyaaniga.
Afhayeenad u hadashay Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegtay inay Diyaarad ay leeyihiin Ciiddanka Badda dalka Spain gacan ka geysteen sidii loo badbaadin lahaa Tahriibayaasha oo kala ahaa 156 rag, 51 Haween iyo 107 carruur.
Hadal qoraal oo ka soo baxay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa lagu sheegay Tahriibayaashaasi la soo badbaadiyey ay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Masar, Ethiopia, Eritrea, Libya, Sudan, Falastiin iyo kuwo ka soo jeeda Jesiiradda Comoros Islands.
Tahriibayaasha ayaa loo gudbiyey Dekedda DEgmadda Crotone oo ku-dhawaad 770 nautical miles u jirta Xeebaha Waqooyiga ee dalka Masar.
©Radio Dalsan