Wakaalladda Wararka dalka Romania ee AGERPRESΓΒ ayaa sheegtay inay Ciiddanka Xuduudaha ee dalkaasi soo badbaadiyeen 71 Qaxooti oo khatar ugu jira inay ku haftaan Badda Eejiyaan (The Aegean Sea).
Tahriibayaashaasi oo ka soo kala jeeday dalalka Somalia,Sudan iyo Syria waxaa ku jiray 20- Carruur iyo 22 Haween, sida ay baahisay Wakaalladda Wararka ee dalka Romania.
Dadkaasi oo la sheegay inay ku safrayeen Dooni nooca Shiraaca leh waxaa soo badbaadiyey Ciiddanka Xuduudaha ee dalkaasi oo watay doonyaha Ilaaladda.
Sarkaal u hadlay Ciiddankaasi waxa uu Saxaafadda u sheegay inay TahriibayaashaasiΓΒ khatar ugu jireen inay ku haftaan Badda.
Xigasho : AGERPRES