Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Tahriibayaashaasi ku dhaawacmeen gaari ay la socdeen oo Waaberigii Talaadada (shalay) ku qalibmay halka laga soo galo Degmadda XANTHI ee W/bari ee  dalkaasi
Boliska waaxay sheegeen inuu gaarigu qalibmay, xilli uu Dareewalku doonayey inuu ka baxsado Boliska oo caraysanayey, xilli uu marayey Wadada Hay Wayga ee ka timaada dalka Turkiga.
Dadka dhaawacmay ayaa kala ahaa Tahriibayaal ay ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Eritrea, Pakistan iyo Afganistan, iyadoo Dareewalka oo ahaa Mukhalas ayaa la shegay nin u dhashay dalka Pakistan.
Xuduudka W/bari ee Giriigga ayaa ah jidka ugu weyn ee ay Tahriibayaasha ka imaanayo dalka Turkiga ka soo gudbaan.