Boliska Waqooyiga Giriigga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 54 Tahriibayaal la doonayey in si qarsoodi ah lagu geliyo dalkaasi.
Hadal ka soo baxay Boliska waxaa kaloo lagu sheegay in la qabtay 2 Nin oo u dhalatay dalka Bulgaria, kuwaasi oo la sheegay inay gaarigooda ku soo qariyeen Qaxootigaasi, si ay tahriib ahaan ugu soo geliyaan dalkaasi
Tahriibayaasha oo kala ahaa 2 Somali ah iyo 42 Suuryaan ah waxay Boliska u sheegeen in midkiiba 1,700 Dollar looga soo qaaday Turkiga ilaa dalka Giriigga.
Dhinaca kale, Labada Mukhalas ee u dhashay dalka Bulgaria ayaa la sheegay in lagu soo oogi doono dacwad ku aadan inay Tahriibayaal aan sharci lahayn soo geliyeen Guriigga iyo inay khatar geliyeen Nolosha Dadkaasi.