HomeTagsSomali immigration

Tag: Somali immigration

spot_imgspot_img

Somalia’s SCAA Suspends Seven Aircraft Over Safety Concerns

Officials at Aden Adde International Airport confirmed that the aircraft were withdrawn following inspections that revealed potential faults posing risks to passengers. Operators will only be allowed to resume flights once their aircraft have undergone comprehensive maintenance verification and met all safety standards set by the authority.

𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐈𝐬-𝐀𝐟𝐠𝐚𝐫𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥

𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐈𝐬-𝐀𝐟𝐠𝐚𝐫𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥 Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee Tanzania ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga maareynta arrimaha socdaalka. Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Patrobas Paschal Katambi. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madaxda hay’adaha socdaalka ee labada dal, Mudane Mustafa Duhulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala. Heshiiskan waxa uu xoojinayaa xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo ganacsi ee labada dal, isaga oo qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo iskaashiga dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la hirgeliyo qodobbada heshiiska, kuwaas oo diiradda saaraya isu-socodka muwaadiniinta sita baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa shaqaalaha dowladda, kuwaas oo laga dhaafay dal-ku-galka (visa). Sidoo kale, muwaadiniinta ku safaraya baasaboorrada caadiga ah ee labada dal ayaa 24 saacadood gudahood ku heli doona dal-ku-gal, si loo fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta iyo ganacsatada. Waxaa si gaar ah loogu mahadcelinayaa dadaalka iyo shaqada hagar la’aanta ah ee Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Amb. Ilyaas Cali Xasan, iyo dhammaan shaqaalaha safaaradda ee ka howlgala dalka Tanzania.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Must read

spot_img