Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ku taliyay in shacabka Soomaliyeed aan la cabburin, waxaana uu sheegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir in shacabku ay Qatar weyn uu ku yahay hoggaan aan waxba u tarayn.
Madaxda talada dalka haysa ayuu sheegay Taabit in awooddooda ay shacabka iyo dadka ka aragtida duwan ay ku cabsi galinayaan, waxaana uu sheegay in awoodda ay maanta haystaan ay tahay wax dhammaanaya, shacabkana aan la qasbi karin.
Qoraal uu soo saaray ayuu Taabit Cabdi Maxamed waxaa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan maraxaladda siyaasadeed ee dalka.
Hoos ka aqriso Qoraalka uu soo saaray Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi
Qatarta ugu weyn ee ummad iyo qarankooda soo wajaha waa hoggaan aan waxba u tureyn.
Waa sida ay wax u socdaan maanta, mar haddii maamulkii dowladnimo sii noqonayo mar hadii aan helay waxba dhowran maayo.
Awooddu waa dab oo kale, waad ku baacin kartaa dadka kale waqti gaaban, balse ogow dabka adiga ayaa gacanta ku haya, haddaanan lagaa qabanna waa adiga cidda ugu horeysa ee ku gubaneysa, haarta ugu weynna uu ku reebayo.
Waxaan ku talineynaa in caqligu shaqeeyo, oo dadka Soomaaliyeed ee dowladnimada rajada ka qaba loola dhaqmin maxaa iiga lumaya. Dalka iyo Dadka ha loo turo.