Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dad shacab ah oo shalaay lagu rasaaseeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Ggobolka hHiiraan, xili ay wadeen banaanbax looga soo horjeeday Hirshabeelle.
Taabid Cabdi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay inuu aad uga xun yahay in dad shacab ah oo dhigaya banaanbax si bareer ah rasaas ay ugu furaan Ciidanka dowladda ee ku sugan Baladweyne.
Taabid ayaa tilmaamay in marnaba aan laga aqbali karin in dad shacab ah oo muujinaya dareenkooda in rasaas lagu furo, waxaana Alle uu Caafimaad u weydiiyay dad ku dhaawacmay rasaas lagu furay, xili ay dhigayeen banaanbax.
“Hab dhaqannada isa soo taraya ee muujinaya awood ku maquuninta argtida iyo dareenka muwaadinka; waxa ay lid ku yihiin mabda’ dowladnimo iyo nidaamka dimuqraadiga ee aan Soomaaliya la dooneyno†ayuu yiri Duqii hore ee Muqdisho.
Sidoo kale Taabid Cabdi ayaa hadalkiisa intaas kusii daray “Lama aqbali karo in muwaadiniin dareenkooda cabiraya dabaabbado la hor dhigo, rasaasna lagu harqiyo, halkii tabashadooda la dhageysan lahaa. Waxaa iyadana ayaan-darro kale ah in ciidankii axdiga u galay ilaalinta badqabka iyo sharafka muwaadinka ay maanta ula dhaqmaan shacabkeena sida cadoow oo kale.â€
Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa shalay rasaas ku furay dad shacab ah oo banaanbax looga soo horjeeday Hirshabeelle ka waday Magaalada Baladweyne ee, waxaana rasaastaas ku dhaawacmay qaar kamid ah dadkii banaanbaxa dhigaayay, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.