Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay boobka maalmihii la soo dhaafay ka socday dalka Koonfur Afrika ee loo geystay goobo ganacsi ay leeyihiin dad Ajaanib ah iyo kuwo ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed.
Taabid Cabdi ayaa sheegay in boobka iyo dialka lagu haayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Koonfur Afrika uusan aheyn mid indhaha laga qarsan karo,isla markaana looga baahan yahay in wax laga qabto.
Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa Madaxda dowladda Sooomaaliya ugu baaqay inay wax ka qabato tacadiyada joogtada ah ee lagu haayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Koonfur Afrika.
Hoos ka Akhriso War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Taabid Cabdi.
Boobka iyo dilka lagu hayo muwaadiniinteena ku nool dalka South Africa ee soo laalaabtay ma ahan mid indhaha laga qarsan karo. South Africa waxaan u galnay abaal weyn oo taariikhda Afrika iyo caalamkaba meel uga qoran, maanta in ay muwaadiniinteena sidaas foosha xun ula dhaqmaan waa wax aanan la aqbali karin.
Dowladda South Africa, waa in ay si deg deg ah wax uga qabataa gummaadkan aan kala sooca laheyn ee loo geysanayo wallaalahooda Afrikaanka ah ee qeyb ka ah kobaca dhaqaalaha South Africa.
Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa in ay arinkan wax ka qabato oo ay u dirto wafdi heerkiisu sareeyo si looga dhiidhiyo waxna looga qabto tacadiyadan joogtada ah ee muwaadiniinteena lagu hayo. Sidookalena iskaashi kala sameyso wadamada Afrikaanka kale ee aan dhibtan la waddaagno si ay cabasho wadajir ah ugu wada gudbiyaan Midowga Afrika.
Ilbiriqsi walba naf iyo maal Soomaaliyeed baa ku baaba’aya sidaa daraadeed waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmadaa muwaadiniinteena.