Madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xasan Al-bashiir oo Talada dalkaasi ku qabsaday Afgembi sannadkii 1989-ki, waxa uu Ku-xigeenkiisa u magcaabay inuu noqdo Ra’isul-wasaare.
Ra’isul-wasaaraha oo lagu magacaabo Bakri Xasan Saalax ayaa la filayaa in maanta loo dhaariyo Xilkaaasi, si uu Wada-xaajood degdeg ah uga galo nooca Xukuumadda Cusub ee la dhisayo, sidaas waxaa sheegay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Xisbiga haya Tlaada dalkaasi, Ibraahim Maxamuud.
Ra’isul-wasaaraha cusub waxa uu sii hayn doona Xilka Madaxweyne-ku-xigeenka ee uu horey u hayey, wuxuuna ka mid ahaa Saraakiishii ku wehlisay Jeneral Albashiir afgembigii aanu dhiiggu ku daadnin ee ay talada dalkaasi kula wareegeen muddo haatan laga joogo 28-sanno.
Ra’isul-wasare Bakri waa Jeneral Hawlgab ah, wuxuuna horey u soo qabtay Xilalka Wasiirka Difaaca, Arrimaha Gudaha, Madaxtooyadda, wuxuuna haatan isku hayaa Xilka Ra’isul-wasaaraha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Ku-xigeenka Hoggaamiyaha Guddiga Fulinta ee Xisbiga haya Talada dalkaasi ee Xisbiga Kongareeska Qaranka (NCP).
©Radio Dalsan
Â