Wasiirka wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta JFS Xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan & wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada barakaysan ee Makka Al Mukarramah ayaa maanta kulan la qaatay Madaxda wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sucuudiga.
Wasiirka wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta ayaa xusay caqabadaha sanadkii hore ay wajaheen xujayda Soomaaliyeed sida ciriiriga goobaha teendhooyinka mashaacirta, ciladaha gaadiidka gaar ahaan mashaacirta & suuliyada oo aad ugu yaraa xujayda soomaaliyeed.
Wasiirka wasaaradda xajka iyo cumrada Sucuudiga Dr. Mohamed Salah binu Dahir Bintan ayaa dhankiisa caddeeyay in dowladda Sucuudiga ay xalinayso dhammaan caqabadaha uu xusay wasiirka Awqaafta & Arr Diinta isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay xoojinta iskaashiga wanaagsan ee labada wasaaradood.
Gabagabadii, labada wasiir ayaa saxiixay heshiiska xajka sanadkan iyada oo ay wasaaraddu dalabatay kordhinta kootada xujeyda Soomaaliyeed.