Madaxweyne ku -xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Zaylici iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro iyo xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa maanta si wadajir ah u cambaareeyay socdaalka madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas uu maanta ku tegay deegaannada Sanaag bari.
Mas’uuliyiinta Somaliland waxay ku tilmaameen booqashada Cabdiweli Gaas ee gobolka Sanaag bari mid daandaansi ah oo sii hurinaysa coolaadda.
Waxayna sidoo kale sheegeen in gobolkaasi uu ka tirsan yahay Somaliland.
Mas’uuliyiinta ka tirsan Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa maanta kulan ku yeeshay aqalka madaxtooyada ee Hargeysa.