Wararka naga soo gaaraya Magaalada Berbera ee deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka soomaaliland uu wadanka isutaga Imaaraadka Carabta ka joojiyay Saldhigii Milateri uu ka dhasanayay Magaalada Berbera.
Saakay ariirtii hore ayaa waxaa halka uu ka socday dhismaha Saldhiga Mialteri wxa tegay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Berbera,kuwaas oo Shaqaalihii dhisayay ku amray in ay joojiyaan dhismaha Saldhigaas.
Sababaha loo joojiyay dhismaha Saldhigga milateri ayaa lagu sheegay in Imaaraadka uu ka baxay heshiisyadii uu la galay Maamulka Soomaaliland uu ahaa dhismaha Waddo isku-xirta Berbera iyo Magaalada Wajaale iyo dhismaha Garoon Diyaaradeed oo Rayid ah.
Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shaki geliyay fulinta heshiiskii dhex maray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxa Shirkadda DB Word, heshiiskaas oo meel marintiisa uu ahaa mid dhib farabadan loo soo maray.