Shir saddex maalmood soconayay oo loogaga hadlayay horumarinta beeraha iyo wax ka qabashada cabashooyinka beeraleyda ayaa lagu soo gebagabeeyay magaalada Hargeysa.
Shirkan oo ay ka qeybgaleen aqoonyahannada ku xeelka dheer abuurka beeraha ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland, ayaa waxyaabaha la iskula soo qaaday waxaa ka mid ah in xal loo helo raashinka ay hay’adaha keenaan xilliyada ay soo go’aan dalaga beeraha si beeraleyda loogu qanciyo inay sare ugu qaadaan wax soo saarkooda.
Ibraahim Cumar Kaahin oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Beeraha ee Somaliland ayaa shegay in shirkan looga gol leeyahay sidii looga h0ortegi lahaa in xiliyada ay dagalyada soo Go’aan in ay Hay’addaha Gargaarka keenaan Raashiin mucaawino ah.