Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ayaa saameyn waxaa ku yeelatay boob loo geysto hantida dadka Ajaanibta ah ee ku nool dalkaas,waxaana jira hanjabaadyo iyo digniino uga imaanaya Burcad Koonfur Afrikaan ah.
Dhacdadii ugu dambeysay ayaa waxaa lagu boobay Goobo Ganacsi ay lahaayeen dad ay ku jiraan Soomaali oo ku yaalla Xaafada isku raranta ah ee lagu Magacaabo Soweto.
Fariin lagu baahiyey WhatsApp-ka oo dadka Koonfur Afrika is weydaarsanayeen ayaa ahayd digniin loo diray qof kasta oo Soomaalida guri ka kireeyey waxaanay faraysay in ay ka saaraan. Sida ku cad fariintaa hadii laga baaqsado fulinta digniintaa wixii ka dambeeya 8 Sebtembar waa la gubi doonaa tukaamadaas.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen in xilligaan cabsi soo wajahday,isla markaana qaarkood ay doonayaan inay dalka Soomaaliya dib ugu soo laabtaan.
Dhibaatooyinka isugu jira dhaca iyo boobka ee loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata dalka Koonfur Afrika ayaa ah mid si joogta ah u dhacda,iyada oo aysan wax ka qaban laamaha Amniga dalkaasi Koonfur Acrika.