Xiriirka Soomaaliyeed ee Doomaha  ayaa guulo ka soo hoyay tartanka ciyaaraha Doomaha ee Bariga iyo bartamaha Afrika.
Tartankan oo ka dhacay magaaalda Khatoum ee dalka Sudan  waxaa ka soo  qayb galay dalalka Somalia, Kenya, Sudan, Djibouti, Eretrea iyo Uganda oo laysku yiraahdo (CECAROCAF)
Waxaa Soomaaliya uga qayb galay sedex ciyaaryahan oo kala ah Asad Maxamed Xasan iyo Axmad Nuur Aadan oo ku tartamayay 500 Mitir iyo Cabdifitaax Cabdullahi Muuse oo ku tartamayay 200 Mitir.
Wiilasha Soomaaliyeed ayaa kaalinta labaad ka galay tartanka 200 Mitir,halka ay kaalinta sedexaad ka galaeen 500 Mitir, waxayna gacanta ku soo dhigeen bilaada Qalinka iyo tan maarta.
Dhanka kale isla magaalada Khartoum ee dalka Sudan   waxaa ka dhacay Shirwaynaha xiriirada Doomaha qaarada Afrika waxaanaSoomaaliya uga qayb galay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Doomaha Saciid Maxamed Maxamuud Xeyd isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka xiriirka Doomaha Qaarad Afrika  (Confederation African Canoe )
SHirkan ayaa looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa xiriirada doomaha qaarada Afrika, waxaana halkaas looga dooday hindise Sharciyeed oo ay soomaaliya soo jeedisay kaa soo ahaa in xal loo helo arin  la isku mari waayey oo ahayd  Xoghayaha guuud iyo xisaabiyaha oo kala dagan Kenya iyo Morocco sidii ay  u wadagi lahaayeen saxiixa, waxaaan Soomaaliya  u soo jeediyay in Xisaabiyaha laga saaro dastuurka oo howshaas loo wada idmado Xoghayaha oo lagu kordhiyo Guddoomiye kuxigeen 3aad,  waana la isku raacay.
Shirkan waxaa dhinac socday shirka Guddiga Fulinta Xiriirka Doomaaha Caalamka International Canoe Fedeation oo marki ugu horeysay lagu qabtay dalka Afrika ka soo looga dooday sidii ciyaaraha doomaha ay ula tartamami lahaayeen ciyaaraha kale ee caalamka loona horumarin lahaa.
Doorka Soomaaliya ee xagga maamulka iyo xaga tartamada ayaa ah mid muuqda oo marba marka dambeeya sare u sii kacaya,iyadoo Soomaaliya loo balan qaaday in lasoo gaarsiin doono qalab ay tababar ku qaatan si ay u horumariyaan ciyaaraha Doomaha.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Goos Media Department