Dacwad-oogayaasha Danish-ka waxay dacwado ku soo oogeen 2 nin oo Somali ah, kuwaasi oo la sheegay inay ku xad-gudbeen Sharciga dalkaasi.
Labadaasi Nin oo mid ka mid ah la sheegay inuu haysto Dhalashada dalka Finland ayaa lagu eedeeyey inay u socdaaleen dalalka Somalia iyo Syria, kuna biireen Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Kooxda Daacish, waa sida hadalka loo dhigay.
Dacwad-ooge lagu magacaabo Jan Reckendorff oo shalay ka hor hadlay Maxkamadda ayaa sheegay inay Labada Eedeysane oo 24-jiro ah ay carbis Milliteri ku soo qaateen Xerooyinka Alshabaab iyo Daacish ku kala leeyihiin Somalia iyo Syria.
Dacwad-ooge Jan Reckendorff waxa uu tilmaamay in Labada Eedeysane oo aan magacyadooda la shaacinin ay ku kala biireen Alshabaab iyo Daacish muddaii u dhexeysay sannadihii 2013-kii ilaa 2015-kii, waa sida uu hadalka u dhigay.
Lama kala caddaynin haddii uu jiro xiriir ka dhexeeyo.Labada Eedeysane oo ku nool Galbeedka dalka Denmark.
Ilo ku dhow Maxkmaadda qaadaya Dacwadaasi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AP inay labada Eedeysane muteysan karaan ugu yaraan 4 sanno oo Xabsi ah.
Muwaadinka haysta dhalashadda dalka Finland waxaa la sheegay marka uu dhamaysto Xukunkiisa in la soo masaafurin doono.