Qaramada Midoobay ayaa 38 qof oo arday Soomaaliyeed ah ka soo samata-bixisay Magaalada Mekelle ee Caasimadda Ismaamulka Tigree-ga Itoobiya, halkaas oo hadda dagaalka dowladda iyo TPLF uu ku sii siqayo.
Ilo-diblumaasiyadeed ayaa sheegey in Araydan oo ah qeybtii u horraysay Goordhaweyd laga geeyey magaalada Samaara ee Caasimadda Gobolka Canfarta, waxaana la geyn doonaa Magaalada Addis Aabab.
Ilaa 23 Arday ayaa la sheegey in ay ku hareen Gobolka, kuwaas oo iyana Qaramada Midoobey ka soo samata-bixin doonto safarta labaad isla markaana waxaana Arday kale oo badan ay joogaan Gobol kale .
Muddooyinkii ugu dambeeyay waalidiinta Soomaaliyeed ayaa walaac farabadan ka muujinayay Ardayda waxkabarata Jaamacaddaaha ku yaalla Itoobiya gaar ahaan Gobolka uu dagaalka ka socdo ee Tigree-ga.
Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Gobolka Tigree-ga ayaa weli ka socda waqooyiga Itoobiya, kaasi oo geystay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, burbur hantiyadeed.