Iyadoo dhawaan warar lagu baahiyay Wargayska the Times of Israel ay ku sheegayeen  in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo Wadamada Africa, ayaa waxaa arrintaas war kasoo saartay wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona laahyn, oo been abuur ah.
Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Abdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid)  uu Mudooyinkii u dambeeyay ka Shaqaynayay hawlaha Somaliland ee gudaha, isagoo sida qoraalka lagu sheegay ka mid ahaa gudidii qaban qaabada maalinta qaran ee 18May,  waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudida 18may, taasi oo ku beegan Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay in uu shirka ka qayb galay Wasiirku.
Arrintaan ayaa imaaanaysa iyadoo dhawaanahaan ay soo baxayeen warar uu faahiayy mid ka mid ah waegeysyada Israa’iil, kaasi oo sheegay in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Abdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid)  uu qayb ka ahaa Shir lagaga hadlay iskaashiga Israel iyo Wadamada Africa.