Wasaaradda Caafimaadka mamulka Soomaaliland ayaa maanta oo Arbaca ah waxa ay shaacisay xanuunka Corona oo dad hor leh laga helay.
Baadhitaanka 24-kii saacadood ee u dambeeyey la sameeyey ayaa gaaraysa 80-ruux
Wasaaraddu waxa ay sheegtay in Sideed iyo toban qof (18) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somaliloander . Bukaanadan 10 qof waa rag, 8 qofna waa dumar
Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(1jir ilaa 9jir = 1 qof)
(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 6 qof)
(30jir ilaa 39jir = 3 qof)
(40jir ilaa 49jir = 2 qof)
(50jir ilaa 59jir = 2 qof)
(60jir ilaa 69jir = 1 qof)
(70jir ilaa 79jir = 1 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)
Bukaanadan waxa ay kala joogaan Hargeysa 13 qof iyo Borama oo ah 5 qof.
Waxaa xanuunka ka bogsaday 6 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar iyo konton (54)