Maanta oo tallaado ah Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa soo Bandhigtay Natiijada kasoo baxday looga shakisnaa inay qabaan Cudurka COVID-19 oo si kusii faafaya deegaanada Somaliland.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga helay 17 qof oo hor leh, kuwaasi oo isugu jira 10 qof oo rag ah iyo 7 Dumar ah.
Dadka laga helay Cudurka Coronavirus ayaa waxaa ay da’dooda ay u dhexeeysaa 19 sanno jir ilaa 109 sanno jir, waxaana ay ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland 10 qof iyo Burco oo ah 7 qof.
Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka ayaa tilmaamtay in xanuunka ay ka bogsadeen 7 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay 80, iyagoo haatan xaaladooda ay wanaagsan tahay.
Ugu dambeyn waxaa saacadihii lasoo dhaafay Somaliland Cudurka ugu geeriooday hal qof oo rag ah oo deganaa Magaalada Hargeysa, da’diisuna aheyd 104 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Somaliland 26.