Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay xaqiijisay kiisas cusub oo Corona Virus ah kadib baaritaano ay ku sameeyeen bukaano iskaga shakiyay calaamadaha cudurkaan.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Baadhitaan 24-kii saacadood ee u danbeeyey lagu sameetay 65-ruux base ahaatee qaarkood laga helay
Soomaaliland ayaa sheegtay in 25-ruux laga helay xanuunka, 23 ka mid ah waxa ay u dhasheen Soomaaliland , halka 2 qof u dhasheen Pakistan,Bukaanadan 12 qof waa rag, 13 qofna waa dumar.
Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(1jir ilaa 9jir = 1 qof)
(10jir ilaa 19jir = 4 qof)
(20jir ilaa 29jir = 7 qof)
(30jir ilaa 39jir = 3 qof)
(40jir ilaa 49jir = 2 qof)
(50jir ilaa 59jir = 2 qof)
(60jir ilaa 69jir = 4 qof)
(70jir ilaa 79jir = 1 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)
Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 24 qof iyo Berbera oo ah 1 qof,waxaana xanuunka ka bogsaday 3 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar iyo Sideetan (84)