Dhulka xuduudka ee u dhexeeya dalka Ethiopia iyo Maamulka Somaliland ee W/galbeed Somalia waxaa maalin kasta ka soo gudba kolonyo gawaari sida shixnadda Qaadka ee loo iibiyo magaallooyinka Hargeysa, Borame, Burco, Berbera iyo kuwa kale.
Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu dakhli fara badan ka helaan canshuurta laga qaado Qaadka kaga yimaada W/bari Ethiopia, iyadoo uu Maamulka Somaliland sannadkii hore kordhiyey canshuurta qaadka.
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa sheegay inay Ganacsatadda Somaliland maalintii ku kharaj-gareeyaan Qaadka in ka badan Hal million oo Dollar.
Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Weli Daa’uud oo Wareysi siiyey Telefishinka Aljazeera ayaa tilmaamay inay 524 million oo Dollar sannadkiiba lagu kharaj gareeyo Qaadka.
Dhinaca kale, dadka ku nool Deegaannadda Somaliland ayaa la sheegay inay 90% raamsadaan qaadka, waxaana la sheegay inay sii kordhayso tiradda haweenka qayila.
Suuqyadda iyo Kabaradda lagu iibiyo Qaadka ee magaalladda Hargaysa ayaa mashquul ah marka la gaaro xilliyadda barqanimo, oo uu Qaadka soo galo Hargeysa.
Mehradda shaqadda ayaana albaabadda loo laabaa, iyadoo ay dadka u fariistaan inay Qaadka ku cunaan Shaaricyadda, Hodheeladda iyo Biibitooyinka.
Qurbo-jooga ka yimaada dalalka Reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo Britain ayaa la sheegay inay kordhiyeen qiimaha la kala siisto Qaadka laga keeno dalka Ethiopia