Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta oo Isniin ah shaacisay inay diiwaan-gelisay dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana Cudurka u muuqdaa mid kusii faafaya deegaanada Maamulkaas.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka 24-kii saac ee ugu dambeeyay laga helay 19 qof, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay, kadibna la ogaaday inay qabaan Cudurka.
Bukaanada Cusub ee laga helay Cudurka ayaa isugu jira 12 qof oo rag iyo 7 Dumar, kuwaasi oo laga diiwaan-geliyay Magaalada Hargeysa 18 qof iyo Gabiley oo ah 1 qof, isla markaana waxaa da’dooda ay u dhexeeysaa 19 sano jir ilaa 90 jir.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in xanuunka ay ka bogsaday 9 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay 73, kuwaasi oo haatan xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay sida la sheegay.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Cudurka Coronavirus Somaliland ugu geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Magaalada Burco, da’diisuna aheyd 52 jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan halkaas u dhimatay 25 qof.
Somaliland ayaa wada dadaadlo kala duwan oo looga hortegayo faafida Cudurka COVID-19, waxaana Guddiga Somaliland u qaabilsan ka hortega Cudurka ay shacabka ugu baaqeen inay qaataan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo.