Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland, Cismaan C/llaahi Saxardiid ayaa hadalkaasi ka sheegay magaalladda Hargeysa, wuxuuna xusay inaysan Laanta Afka Soomaaliga dhexdhexaad ka ahayn shaqada ay u hayaan Soomaalida, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu ku goodiyey inay Maamulka ugu sarreeya Warbaahinta BBC-da u gudbin doonaan Dacwad ka dhan ah Shaqada Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Wasiirka waxa uu tilmaameen inay Somaliland dib uga fiirsanayso Heshiiska Shaqo ee ay kula jiraan BBC-Somali, kadib, markii uu xusay inay ka waayeen inay si caddaalad ah u tebiyaan Dhacdooyinka khuseeya Soomaalida, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa kale oo uu ku dooday inay Weriyaasha BBC-da la safteen Siyaasadaha ka soo horjeeda Somaliland.
Maamulka Somaliland  waxay horey si kulul u naqdiyeen qaabka ay BBC-da u qabteen Dooddii Jimcihii la soo dhaafay oo ku saabsanayd Sharciyadda Heshiiskii ay Maamulka Somaliland la saxiideen Dowladda Imaaraadka ee looga kireeyey Saldhiga MiLLIteri ee magaalladda Berbera .
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland, Cismaan C/llaahi Saxardiid waxa uu maalmahan culays xooggan ku hayey Suxufiyiinta ka hawl-gala gudaha Somaliland, wuxuuna Xabsiga dhigay C/maalik Muuse Coldoon oo ah Weriye ku caan baxay Hawlaha Samafalka ee dadka dhibaataysan loogu gargaarayo.
Halkan ka dhegeyso hadalka Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland, Cismaan C/llaahi Saxardiid:
©Radio Dalsan