Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in lagu dhawaaqi doono Guddi ka kooban dhowr xubnood oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Guddoomiye u yahay, Â kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii looga hortegi lahaa Cudurka Coronavirus.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Cabdi Xirgeeye oo Maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dhaqaatiir Caafimaad la geyn doono dhammaan Xuduudada maamulkooda, si loo baaro dad kasoo galaya halkaas.
Isaga oo sii hadlaayay Agaasime Xirgeeye ayaa waxaa uu tilmaamay in duleedka Magaalada Hargeysa laga furay Xarun lagu karantiilo dad looga shakiyo ama laga helo Cudurka halista ee Coronavirus.
Somaliland ayaa si ku meel gaar ah u joojisay bixintii dal ku galka la siin jirey dadka ka imanaya Itoobiya ee Somaliland iman jiray.
Si kastaba Dalka Itoobiya ayaa shalay waxaa la sheegay in laga helay qofkii ugu horeeyey ee qaba Cudurkan Coronavirus, halka sidoo kalena qof haweeney oo ku sugan dalka Kenya laga helay Coronavirus.