Kadib markii shalay Wargeyska Capital ee ka soo baxa Addis Ababa uu sheegay in Itoobiya ay joojisay maalgashigii 19% ay ku lahayd dekedda Berbera ayaa waxaa arrintaas ka hadlay maamulka Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay warkii uu qoray Wargeyska Capital ee kasoo baxa Itoobiya, kaasi oo la xiriiray in Itoobiya joojisay maalgashigii ay ku lahayd dekedda Berbera.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin warkaas uu daabacay Wargeyska Capital, isla markaana weli war rasmi ah uusan kasoo bixin dowladda Itoobiya oo ay uga hadlayaan in la joojiyay maalgashigii ee 19% ee Dekedda Berbera.
“Itoobiay waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si buuxda loo joojiyay.†ayuu wargeysku ku yiri warbixintiisa uu shalay daabacay.
Wargeysku, ma sheegin cidda uu xogtan ka soo xigtay, laakiin qaybo ka mid ah warbixintan wuxuu wargeysku ku waraystay wasiirka gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges oo sharaxday qorshaha ay Itoobiya ku doonayso inay deked kaga samaysato dalka Suudaan, laakiin wasiirku ma soo hadal qaadin arrinta dekedda Berbera ee Somaliland.