Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo dhawaan ka dhacay Gobolka Sool, kuwaas oo u dhexeeyay Beelo walaalo ah oo halkaas wada dega.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa kulanka ku sugnaa waxana uu ka xog weraystay xubnaha Golaha guurtida ee ku howlanaa joojinta dagaal beeleedka, waxaana si gaar ah uu guddoomiyuhu kaga waraystay khaasaraha ka dhashay dagaalka iyo sida wax u dheceen.
Dagaalka dhexmaray beelaha walaalaha ah ee dega Gobolka Sool ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Jidbaale, waxaana Golaha Guurtida Soomaliland ay sheegen in dagaalkaas ay ku dhinteen 6 ruux halka ay ku dhaawacmeen 8 kale.
Sidoo kale dagaal beleedka ayaa saameyn ku yeeshay sida ay Goluhu ay sheegeen gogol nabaded oo taalay degaanka Adhi-caddeeye ee Gobolka Sool, halkaasi oo ay ka socotay xalinta dagaal beleed ka dhacay dhawaan degaankaas.
Dagaalada u dhexeeya beelaha daga Sool ayaa tiro dhawr jeer ah soo noqnoqday, waxana dagaalkii dhawaan ka dhacay jidbaale kala dhexgalay Ciidamo ka tirsan Somaliland oo loo xilsaaray in ay dagaalkaas joojiyaan, si loo yareeyo khaasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh ee ka dhalanaya dagaal beleed kaas.